logo
logo
logo

Thursday, Feb 23rd

Education News

Sucuudiga oo ka Walaacsan Kumanaan Qof Sita Shahaadooyin Jaamacadeed Been-abuur ah iyo Qiimayaasha Lagu Sameeyo

E-mail Print PDF
Saraakiisha ugu Sarreeya dawladda Sucuudiga oo ku andacooday in shahaadooyinkan beenta ah ka yimaaddaan jaamacado aan jirin oo ku yaal Maraykanka iyo Hindiya
Dawladda waddanka Boqortooyada Sucuudiga, ayaa walaac weyn ka muujiyey kumanaan qof oo shahaadooyin been-abuur ah sita, kuwaas oo ku sii badana gudaha dalkaas, waxaanay tilmaameen in dadkaasi goobihii shaqada ka saareen dad iyagu sita shahaadooyin asal ahaan aan sax ahayn.
Dalka Sucuudiga, ayaa lagu qabtay 1,300 qof oo isugu jira muwaaddiniin iyo ajnebi oo sita shahaadooyin been-abuur ah oo ka hawlgalaayey xarumaha boqortooyada iyo meelo kaloo xafiisyada dawladda ah, kuwaas oo mushahar ahaan u qaadan jiray celcelis ahaan SR500 milyan oo lacagta Sucuudiga ah ee Rubiga sida uu daabacay wargeyska dalka Sucuudiga ka soo baxa ee la yidhaa Al-sharq.
Saraakiisha sarsare ee Sucuudiga, ayaa ka digay dadka caadaystay shahaadooyinka foojariga ah ee buux-dhaafiyey Boqortooyada iyo xarumaha kale ee dawladda.
Mr. Muwafeq Al-Rowaili oo ka mid ah Golaha Wadatisha ee Shuurada, ayaa ku boorriyey xukuumadda sare ee Sucuudiga inay tallaabo adag oo ciqaabeed ka qaado dadka sita shahaadooyinka been-abuurka ah xarumaha gaarka loo leeyahay buuxiyey.
Sidoo kale, Cabdullah Al-Qahtani oo ah Agaasimaha Guud ee qaabilsan shahaadooyinka jaamacadaha ee Wasaaradda Tacliinta Sare, ayaa ku baaqay in meesha laga saaro dadka sita shahaadooyinka foojariga ah ee hawlaha ka haya dalka.
Maxkamadaha Sucuudiga, ayaa qaaday inta la ogyahay 2,500 kiis oo la xidhiidha shahaadooyinka been-abuurka ah ee la xidhiidha tacliinta sare, waxaanay 70 kiis oo ka mid ah la xidhiidheen shahaadooyinka foojar ah oo la oo cilmi ah, waxaanay tilmaameen saraakiisha arrintan dabagalka ku sameeyey in shahaadooyinka badankooda lagala yimaad dalka dibadiisa.
Haddaba, qiimaha dalka Sucuudiga lagu sameeyo shahaadooyinka foojariga ah ee Bachelor, Master iyo Doctorate Degree-ga, ayaa u dhaxeeya SR10,000 iyo SR30,000, waxaana la tilmaamay inay shahaadooyinkani u kala qaalisan yihiin siday u kala badbaadis badan yihiin marka Wasaaradda Tacliinta Sare baadhitaanka ku samaynayso.
Haddaba, marka si gaar ahaan loo eego shahaadda Bachelor Degree ayaa qiimaheedu dhan yahay marka foojari ahaan lagu samaynayo SR 30,000, halka Master Degree aad bixinayso samaynteeda SR45,000. Qiimaha shahaadada ugu sarraysay ee Doctorate Degree ayaa ah marka si qarsoon loo samaynaayo inta u dhaxaysa SR60,000 iyo SR90,000.
Ilaha xogogaalka ah ee arrintan ka warramay waxay shaaciyeen in 7,000 sita shahaadooyinka jaamacadeed ee been-abuurka ah ay ka war-heleen xarumaha shahaadooyinka u qaabilsan Waddamada Carabta, waxaanay intaas ku dareen in jaamacaddo been-abuur ah oo lagu qiyaasay 3,600 ilaa 1,400 ay ka jiraan dalalka Hindiya iyo Maraykanka.

Saraakiisha ugu Sarreeya dawladda Sucuudiga oo ku andacooday in shahaadooyinkan beenta ah ka yimaaddaan jaamacado aan jirin oo ku yaal Maraykanka iyo Hindiya.

Madaxweyne Siilanyo muxuu ka yidhi waxqabadkiisa dhanka waxbarashada

E-mail Print PDF

Madaxweyne Siilaanyo ayaa kaga hadlay waxbarashada khudbad sannadeedkiisa uu ka horjeediyo golaha baarlamanka Somaliland , waxyaalaha uu ka yidhina waxay ahaayeen sidatan:

Xaguu Ku Dambeeyey Komishankii Tacliinta Sare?

E-mail Print PDF

Waxaan yar jecelaystay inaan ka hadlo ahmiyada jamacadaha u leeyihiin dalka iyo dadka iyo dayaca baahsan ee ardayda Somaliland ka haysta jamacadaha ee xukuumada Somaliland ka warqabto ee waxba laga qaban ilaa iyo hadda.

Fursad ku socota Hablaha aan dhaqaale haysan ee waxbarasho doonka ah

E-mail Print PDF

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday qorshe lagu taageerayo hablaha aan awoodda u helin inay waxbarasho helaan sababo la xidhiidha dhaqaalahooda awgeed.

Xafladda Qalin-jabinta ardayda Jaamacada UTHM Malaysia

E-mail Print PDF

Xalafad si aad uqux badan   loo soo agaasimay Oo loo sameeyay ardaygii ugu Horeeyay ee Reer Somaliland ah ee Dhamaysta Jaamacadan ayaa ka dhacaday  jamacada (UTHM)  oo kutaala gobalka Johor ee Magalada Batupahat ee Koonfurta dalka Malaysia. (Daawo sawirada)

Xafladda Qalinjabinta ardayda UTHM Malaysia

E-mail Print PDF
Xalafad si aad uqux badan   loosoo agaasimay Oo loo sameeyay ardaygii ugu Horeeyay ee Reer Somaliland ah ee Dhamaysta Jaamacadan ayaa ka dhacaday  jamacada (UTHM)  oo kutaala gobalka Johor ee Magalada Batupahat ee Koonfurta dalka Malaysia. (Daawo sawirada)

Ururka ardayda S/land ee Sudan oo soo dhoweyey 54 arday

E-mail Print PDF

54 arday oo ka tagay Somaliland isla markaana deeq waxbarasho ka helay Sudan, ayaa ururka ardayda Somaliland ee Sudan si diiran ugu soo dhoweeyey madaarka caalamiga ah ee Khartoum.

Admas oo kaalinta kowad ka gashay jaamacadaha gaarka ah ee Ethiopia

E-mail Print PDF

Jaamacadda Admas ayaa kaalinta koowaad ka gashay qiimayn jaamacadaha gaarka loo leeyahay ee Ethiopia laga sameeyey.

Xafladda qalin jabinta ardaydii ugu badnayd Jaamacadda Hargeysa

E-mail Print PDF

Xaflad aad u ballaadhan ayaa lagu qabtay barxadda xafladaha ee jaamacadda Hargeysa, waxana loo dhigay ardayda dufcadda 8aad ee ka qalin fusha jaamacadda Hargeysa oo ah tan ugu ballaadhan jaamacadaha Somaliland.

Jaamacadaha adduunka ugu sumcadda sarreeya

E-mail Print PDF

Tobanka jaamacadood ee dunida ugu “sumcadda” fiican ayaa toddoba kamid ahi ku yaalaan dalka Maraykanka. Saddexda kale waxay ku kala yaaliin Britain iyo Japan.

Jaamacadda Camuud oo bixinaysa derejada PHD

E-mail Print PDF

Jaamacadda Camuud ayaa shaacisay inay adeegyada waxbarasho ee ay bixiso ay kuso kordhisay derejooyinka Masterate iyo PHD taas oo lagu qaadanayo kulliyada Caafimaadka.

Dallada ardayda ILAYS oo hambalyo diraysa

E-mail Print PDF
IGN oo ah Dalad ay ku midoobeen Ardeydii hore uga baxday Dugsiga Sare ee ILAYS oo Hambalyo u diray Ardeyda ka baxday Sanadkan ee Kaalmaha Hore ka gashay Imtixaanka Shahaadiga ah.

Hay'adda EDC oo qabatay shirweyne caalami ah oo ku saabsan waxbarashada

E-mail Print PDF
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, ayaa maanta hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ka furay shirwaynihii sanadlaha ahaa ee ugu horeeyay ee horumarinta waxbarashada Caruurta ku hadasha afka Soomaaliga.

Wasiirul Khaarija Somaliland oo ka hadlay jaamcadda Howard ee Maraykanka

E-mail Print PDF

Wasiiirka arrimaha debedda Somaliland Dr.Maxamed C/lahi Omar ayaa khudbad ka jeediyay jaamacadda Howard University ee dalka Maraykanka.

194 arday oo xirfadley ah oo qalab la siiyay

E-mail Print PDF
Dhallinyaro tiradoodu dhan tahay 194 xirfadaha gacanta ka bartay dugsiga Farsamada Gacanta ee Hargeysa (Hargeisa Technical Institute), ayaa loo qaybiyey qalab dhammaystiran oo ay kaga shaqaystaan xirfadooda.

Magacyada ardayda kaalmaha hore ka gashay imtixaanada Somaliland

E-mail Print PDF

Magacyada ardayda fasalada afraad ee dugsiyada Somaliland ugu darajada sarreeyey natiijooyinka imtixaanadka shahaadiga ee sannad dugsiyeedka 2011/2012 waa kuwan:

Natiijada Imtixaanaadka Shahaadiga Dugsiyada Somaliland oo lagu dhawaaqay

E-mail Print PDF

Natiijada rasmiga ah ee imtixaanadka dugsiyada sare iyo hoose dhexe ee Somaliland ayaa lagu dhawaaqay, waxana guulo sarreeya kasoo hooyey dugsiyada SOS Sheekh iyo ILAYS.

149 arday oo ka qalin fushay jaamacadda Eelo American University

E-mail Print PDF

Xaflad balaadhan ayaa maanta Hutelka Rays ee magaalada Boorama loogu qabtay 149 Arday oo ah difcadii ugu horaysay ee ka qalinjabisay Jaamacada Eelo ee magaalada Boorama.

Guddoomiye Cusub oo jaamacadda Hargeysa Loo magcaabay

E-mail Print PDF

Guddoomiyihii jaamacadda Hargeysa ayaa si rasmi ah isaga casilay xilka guddoomiyennimo ee jaamacadda Hargeysa.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo lagu soo dhoweeyey London

E-mail Print PDF

Munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo dhawaynayay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Zamzam Cabdi Aadan, ayaa lagu qabtay Restaurant Food Palace ee Galbeedka London.

FFOP -Vocational program

E-mail Print PDF

FFOP waxay dib u bilabaysaa barmaamjikii waxbarashada (Vocational program) ee aad uga barateen oo ay Macluumadkooda, Imtaxaanadooda iyo Shahaadadoona ay bixiyaan LCCI (London Chamber of Commerce and Industry) iyo EDI (Education Development International)

Guddida Tacliinta Sare ee Somaliland oo la Magcaabay

E-mail Print PDF

Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud –Siilanyo ayaa magcaabay komishanka tacliinta sare ee dalka oo ah kii ugu horeeyey ee dalka laga sameeyo, kuwaas oo ay ku jiraan haldoorka umadda qaybo badan sida culimada, haweenka, barayaasha jaamacadaha, abwaanno , iyo maamulka wasaaradaha qaarkood.

Page 1 of 3

  • «
  •  Start 
  •  Prev 
  •  1 
  •  2 
  •  3 
  •  Next 
  •  End 
  • »