logo
logo
logo

Thursday, Feb 23rd

General News

Ururka HAVOYOCO oo qabtay Xaflad lagaga hadlayay tamarta Qoraxda.

E-mail Print PDF

Munaasibad lagaga hadlayay laguna soo bandhigay tamarta dib loo cusboonaysiiyo ee Solar Energy ayaa shalay lagu qabtay saylada xoolaha ee magaalada Hargiesa. Waxa munaasibadan soo agaasimay Ha’yadaha HAVOYOCO iyo ADRA isla markaasi waxa mashruucan maal galiyay EU (European Union). Waxa goobtaasi lagu soo bandhigay qalabka solar-ta ee ku shaqeeya tamarta cadceeda waxan dheeraa ciyaaraha Circus Show ee isugu jira qalaama rogodka, jugglinka iyo ciyaaraha fudud oo ay soo diyaarsheen Circus Somaliland HAVOYOCO.

Jacaylka Dhabta Ah Iyo Guusha Lamaanaha

E-mail Print PDF
Waxa aan ku soo qaadan doonaa mawduuc ku saabsan qiimaha uu leeyahay jacaylka u dhaxeeya labada qof ee is qaba, inaga oo sharaxayna macnihiisa cadaynaynana sirihiisa iskuna taagayna xaqiiqdiisa eegayna afkaaraha khaldan ee jacaylka intaa ka dibna ka qaadan doona kalgacaylkii Rasuulku (CSW) uu u hayay gurigiisa.

Dalka China Oo Hirgaliyay Nidaam Lagu Tayaynayo Waxbarashda Ardayda

E-mail Print PDF

Dalka China oo ah dalka ay ku nool yihiin dadka ugu tirada badan ee caalamku ayaa waxa dhawaan laga hirgaliyay nidaam kor loogu qaadayo laguna tayaynayo ardayda wax ka barata jaamacadaha iyo Schoolada dalka China.

Dhalinyaro lakala diray

E-mail Print PDF
Waa barbaar si wacan u kortay. Waana buugleey, qalinku walaaleeyay. Waa ubixii waddankan berri hagi lahaa. Aqoon durugsan iyo isfahan baa ka dhexeeya. Si kale kuma garatide, waa rag ceeshoow milix ah. Tan iyo intii ay dugsi- Quraanka wada bilaabeen iyo ilaa maanta oo ay ku jiraan sannadkii u danbeeyay ee jaamacadda, waxa ay ahaayeen dhallinyarro isku kacaan ah, jawi nabdoon iyo farxad badanna soo wada qaatay.
Walow ay xaafaddo kala duwan ku kala nool yihiin, haddana dhallintaasi isma hayb taqaano. Haddii awal qabiilku ahaa astaanta dadku isku garto, iyagu  warkaas waxba ugama bilowna.
Waa barbaar fikirka noloshu  walaaleeyay. Had iyo jeerna waxa ay ka doodaan mustaqbalka waddanka iyo sidii ay bulshadooda ugu hiilin lahaayeen. Badiba marka ay makhaayadaha shaaha fadhiyaan waxa ay falaqeeyaan mustaqbalka iyo sida loogu baahan yahay in la helo jiil tayo  wanaagsan oo waddanka u shaqeeya. Maaddaama oo ay bartaan mawduucyo kala duwan, sida, dhaqaalaha, caafimaadka iyo  cilmiga bulshada, waxa ay sawirtaan shaqooyinka ay mustaqbalka ummadda u qaban doonaan iyo mid kastaaba doorka uu ka soo dhalaali doono. Bal ga’roo haddii aad taqaanay maamul qabiil lagu qaybsado, dhallintani taasi way ka gudbeen, waxaanay wax ku qaybsadaan aqoontooda iyo kolba inta ay kartidoodu gaadhsiisan tahay.
Shir- beeleed, shir-beeleed, reerkaa aayihiisa ka tashanaya maanta. Hadaladaasi waa kuwo inta badan dhagaha bulshadeena maanta ku badan. Adduunyaduna hawlo badane, Samakaab iyo Saxardiid waxa ay ka mid ahaayeen dhallintii aynu ka soo sheekaynay. Waxaanay ahaayeen rag noloshu walaalaysay. Hore midkoodna ka kale qabiilkiisa muusan aqoone, maantaa lays bartay. Oo sidee laysku bartay, sow kuwii awalba saaxiibka ahaa?  Waxa lays bartay markii uu Saxardiid ogaaday in saaxiibkii  Samakaab ka mid noqday guddida qaban qaabada shir beeleedka reerkooda. Wixii aan nabad iyo caano ahayba waa la kala qaadaaye, hadduu Samakaab ahaa nin ka faana qabyaaladda, maanta waa uu  ku dhaashtay. Odayaal adeeradiiya iyo waliba rag badan oo uu aqoonyahanno u yaqaanay ayaa cudur aan dawo lahayn ku durray ( Virus ). Ileen waa waxa ay ku shaqaystaane, yarkii laga dhaadhici in uu ogaado inuu reer Galool yahay. Intaa uun casharkii loo dhigay kuma uusan eekayne, loo sheeg inuu maanta laga bilaabo ogaado, in isaga iyo Saxardiid kala reer yihiin oo loolan weyn oo  siyaasadeed  ka dhexeeyo.  Saxardiid way ku adkaatay  inuu liqo kiniinka suntan ah ee bilaa biyaha lagu siiyay (Qabyaalada), waxaanu soo xusuustay tuducyo ka mid ah maansada  qiimaha badan  ee Ergo ee abwaan Gaariye:
Uf qabiilka annaa leh,
Wuxuun baa ku addeegta,
Nin iskii kartidiisa,
Isku taagi karayn,
Una haysta ateero,
Ayaantu dembi gaysto.
Laga hoos galo eedda!
Col kaa badan iyo biyo kaa badaniba way ku hafiyaane, waxaa maansadaa ka xoog roonaatay hal haysta, `` Fiqi tolkii kama janno tago´´, oo  oday u adeer ahi galab ku tuuray. Hadday awal ahaayeen barbaar kaftan aan turxaan lahayn iyo hiil iyo hooba ka dhexeeyay, hadda xaalku sidii hore maaha. La kala leexay. Barasho hor laa bilaabantay. Oo ileen maan aqoonne, hebbel reer Faro-taag buu ahaa? iyo waa yeelkadii, waligoodba annagaa u talin jirnaye. Akhriste gara’oo halkaa talaa cayn wareegtay. Garaad caafimaad qaba ayaa la faro xumeeyay. Mustaqbal iyo ubax soo widhwidhayaa xididada loo siibay. Ilaahay ha u gargaaro’e bulsho is leh baa la kala qoqobay.
Dhallinyaraddii hadda isma raacdo. salaanta ma kala qaado. Goobihii lagu haasaawi jiray laga kala digo rogay. M           d waliba waxa uu la showraa  inaadeerkii. Inkasta oo inta is  ilmaadeersatay ayna isku fikir  iyo ujeedo ahayn, haddana waxa walaaleeyay waa hal ku dhiga ah:  aynu reer hebel iska dhicino. waxa hubaal ah in jiilkaasi u baahan yahay gurmad degdeg ah. Uma baahna in guuto fardooleey ah loo diro, laakiinse waxa uu u baahan yahay jiilkani in ay u soo baxaan inta garashada ehelka u ahi. Taasi waxa ay noqonaysaa, in guud ahaanba bulshadda laga wacyi geliyo cudurka noocan ah iyo wixii kale ee kala kaxaynayaba. Waxba yuu hadalku ila sii durkine, waxaa cashar inoogu filan saddexdan bayd ee aan ka soo kala qaaday saddex maanso oo kala duwan oo uu tiriyay Rabi ha u naxariistee abwaankii weynaa ee Cabdillaahi Suldaan Timacadde:
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.
.........................................................................
Nin qabyaalad beertoow wanaag kuuma soo baxo’e.
………………………………………………………………………..
Nin qabyaalad heensaynayaa guul ma haybsado’e.
Ilaahay xaqa ha ina waafajiyo.
Qalinkii Muuse Dalmar
Email: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Waa barbaar si wacan u kortay. Waana buugleey, qalinku walaaleeyay. Waa ubixii waddankan berri hagi lahaa. Aqoon durugsan iyo isfahan baa ka dhexeeya.

Jaaliyadda Galbedka London oo Arday shahaadooyin siisay

E-mail Print PDF

Xaflad ballaadhan oo shahaadooyin iyo abaalmarin lagu guddoonsiinayay ardayda dugsiyada ee natiijada fiican ka keentay imitixaannadii sannadkan ee GSCE iyo A-level-ka, ayaa habeennimadii Isniintii lagu qabtay galbeedka magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska.

Burco:Dayactir lagu sameeyey garoonka lagu qabanayo Ciyaaraha

E-mail Print PDF
Garoonka Wayn ee Kubada cagta ee magaalada Burco oo ka mid ah  Garoomada Burco ee loogu tala galay in lagu qabto tartanka ciyaraha Gobolada Somaliland ee 1/12/2011 ka dhacaya magaalada Burco ayaa shalay xaflad lagu qabtay Garoonka waxa xadhiga lagaga jaray Garoonka oo dayac tir lagu sameeyey

Shirkadda Dahabshiil oo ka Qayb-gashay Shir Caalami oo lagaga Hadlay Waxtarka Qurbe-Joogta Dunida

E-mail Print PDF

Shirkadda Dahabshiil ayaa ka qayb-gashay shir Caalami ah oo toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, isla markaasna lagaga hadlayay kaalinta Qurbe-joogta dunidu ka qaataan horumarinta dalalkooda.

Guurka La Fududeeyey Ma Guulbaa Mise Waa Guul Darro?

E-mail Print PDF
Waxay ahayd 18-kii bishan November, markii Guddida Wanaag-farista iyo xumaan-reebista Somaliland ay soo bandhigtay qorshe cusub oo lagu xakamaynayo qarashaadka faraha badan ee ku baxa hawlaha kala duwan ee guurka iyo dhalinyarada is-guursanaysa.

Wacdarihii Xafladii Maalinta Suugaanta Soomaalida Iyo Stockholm‏

E-mail Print PDF
Maalintii sabtida ahayd oo ku beegnayd 19 November 2011, waxa uu Naadiga Akhristayaasha Stockholm ku qabtay magaalada Stockholm ee waddanka Sweden munaasibad aad u balaadhan oo loogu magac daray "maalinta suugaanta soomaalida ee Stockholm.

Aftida IRI maxay ka tidhi wasiirka waxbarashada Somaliland

E-mail Print PDF

Afti-Qaadis ay samaysay hay’adda International Republican Institute (IRI) ayaa daboolka ka qaadday horumarka Wasiirka Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan intii ay xilka haysay ay gaadhsiisay waxbarashada dalka

Jimciyadda Guur Kalkaal oo baaq kasoo saartay go'aanka Fududaynta Guurka

E-mail Print PDF

Baaq taageero ah oo naga soo gaadhay ururka guur kalkaal ee magaalda Hargeysa kuna aadan go'aanka culimada wanaag farista iyo xumaan reebista ee Somaliland ay kaga hadleen fududaynta guurka ayaa ururkani ka codsanayaa dhamaanba dhinacyada ay khusayso inay hirgeliyaan go'aankaas culimada

Xiisaha Doodda dhimista Kharashka guurka & Dhalinyarada Hargeysa

E-mail Print PDF

Dhalinyarada magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa maanta illaa shalay isla dhex marayay aragtiyo kala duwan oo ay ka bixinayaan arrin la sheegay in guurka lagu fududeeynayo kaas oo qaar ka mid ah culimada Somaliland dadweynaha u mariyeen warbaahintan.

Hambalyo Meher : Abdiwahab iyo Hibo

E-mail Print PDF

Dhamaan Reer Khayre Abdilahi

Dhamaan Reer Yuusuf Abdilahi (Ciir)

Dhamaan Reer Abdi Faarah Sareeye

Dalxiiska Xeebta Batalaale ee Magaalada Berbera

E-mail Print PDF

Xeebta batalaale ee magaalada Berbere ayaa waqtigan cammiran iyada oo ay halkaas dalxiis ku qadanayan boqolaal dadweyne ah oo u badan haween iyo dhalinyaro iyo weliba caruur. (Daawo sawirada)

Mabaadi'da Nolosha & Waddaninimada

E-mail Print PDF

Wadani-nimadu wa kalmad macno balaadhanku fadhida …. Wadan wa dhul kamida dhul waynahaas ilahay umadisa u abuurey si ay ugu noladaan waa dhulka aynu kunoolnahay ee xudunteenu ku asantahay

Sariir loogu talo galay dadka caajiska badan

E-mail Print PDF

Inkasta oo muuqaalka sariirtani yahay mid ku cusub dhagaha iyo indhaaha dadka caalamka ku dhaqan hadana waxa ay u gaar tahay dadka caajiska badan ee xiliyada shaqada ay ku jiraan ku dul lulooda miisaska ay ku shaqeynayaan.

Hiigsiga Dhalinta iyo Damcooda Kala Duwan‏

E-mail Print PDF

Dhamaan dhalinta ku nool wadeenkeena waxaay yihiin dad aad u dadaala o waqtigooda aad uga faa’iidaaysta nolasha guud ahaan , dardar faro badan galiya inaay noqdaan hogaamiyaal mustaqbal qarkalena aay u arkayaan inaay yihiin kuwo maanta kalsooni faro badan u leh inaay xilka la wareegaan

SONYO oo warsaxaafadeed kasoo saartay ururada cusub ee dalka

E-mail Print PDF

Dallada SONYO ayaa shalayto soo saartay warsaxaafadeed ay ku caddaynayso mawqifkeeda ku aadan ururada cusub ee dalka lagaga dhawaaqo iyo ka mid noqoshadooda. Warsaxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakada tacliinta somaliland waxa uu u dhignaa sidatan:

Berbera & Maalmaha Ciidda

E-mail Print PDF

Waxa sanad kasta Magaalo xeebeeda  BERBERA aad ugu soo qulqula labada bunaasibadood ee Ciida awgeed dadka reer Somaliland ee degan Gobolada kale oo iyaga aad u xiisaynaya waxyaaba ay gaarka latahay maalada BERBERA

Tolow shidaalku miyuu innaga dhamaanayaa?

E-mail Print PDF

Sida aynu taariikhda ku hayno, dadka ka dayriya waarida shiidaalku waxay sii korodhaan markasta oo ay dhacdo shiidal yaraani. Qarnigii la soo dhaafay, waxaa jiray ugu yaraan saddex dhacdo oo waaweyn oo saliid caydhin caalamka ku yaaratay.

Ciid Wanaagsan

E-mail Print PDF

CIID WANAAGSAN....HAPPY EID...Dhamaanba hawlwadeennada iyo farsamo yaqaannada mareegta somalilandedu waxanu hambalyo u dirayna shacbi weynaha Muslinka gaar ahaanna shacbiga Somaliland dal iyo debedba, waxannuna leenahay Alle haydinka aqbalo acmaasha wanaagsan sannadkan kiisa kalena haynagu gaadhsiiyo camal suuban iyo caafimaad qab iyo nabad gelyo...Aaamin

Hal-doorka Waxbarashada: Maxamuud, Yuusuf, Saleebaan iyo Mahad (1)

E-mail Print PDF

Qormooyinkan uu magacoodu yahay hal-door waa maqaallo aan ku lafa-gurayo sooyaal-taariikheedka mudanayaal iyo marwooyin badan oo reer Somaliland ah, kana mid ah samatarayaasha ka shaqeeya wanaagga ummadda,

Page 1 of 7

  • «
  •  Start 
  •  Prev 
  •  1 
  •  2 
  •  3 
  •  4 
  •  5 
  •  6 
  •  7 
  •  Next 
  •  End 
  • »