Somaliland Education Network: Education is recognition
Navigation
Home
Somali Songs
CHAT
Forum
ISLAM
Web Links
Search
Contact Us
Radio
Barnaamij cusub: Waxbarashada iyo......

Riix halkan si aad u dhagaysato Suugaanta CIIDA

Video

Sheegow Band in Hargeisa


'Jamasho' , Layla Abdilahi


'Wadartii Haweekaay' , Abdirahman Djibouti


Abdirahman Sh.Dandaawi


Horumarka Somaliland


Socdaalka Somalilandedu

University of Hargeisa
Graduation Ceremony: Daawo Sawirada Qalin-jabinta Jaamacada Hargeysa


Photo: Part 1

Part 2

Part 3

Part 4

Part 5
Recommended
Community

Hooyadu waa Hoyga Nolosha

Maxaa kala haysta dhoofka iyo dhalinyarada?

Sideed u noqon kartaa qof farxad badan?

Aduunyadu wareer, iyo werwer badanaa

Dhalan-rogga Guurka iyo Wacdi la'aanta Culimada!
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Student

WAKHTIGU WAA HILAAC ORDAYEE
Aad u dheeho intaad yartahoo
Ereygaad barateed akhridaa
Anfaca, Anfaca abidkaaye ogow
Ka adkow,Ka adkow
Dugsigaaga ka adkow
Darsigaaga ka adkow

WAXAAN AHAY WAADIGA DUGSIYADA
Waxaaan ahay waanada macalinka
Waagii baryaba
Ubax laga waraabshoo
Waxaan ku warwereynaa
Wadankiina wax ubarta
Oo xambaara wajibkiisa

Wahsan mayno
Waaban mayno
War-wareegi mayno
Weec-weecan mayno

Guul wacan, Cadow ka waabto
Nolol wanaagsan iyo barwaaqo
Nabad lagu wadaago
Ha ku waaro wadankeennu!

Waddankeennu waa
Wadnihii jidhkeena
Waraabinaayey dhiigoo
Waan ku wardiyeynaa

Waxaan wacad ku qaadnay
Gayigiina wax u barta
Oo ka jira waxyeelada.

Your IP Address is :
38.103.63.60

Remember

Wiil yar oo labada gacmood naafo ka ah oo hadana isku dayaya inuu wax QORO !
Users Online
Guests Online: 1
No Members Online

Registered Members: 23
Newest Member: Kiyaz
Last Seen Users
keefkeef 1 day
abdi 1 day
ahmed 1 day
deeqa 1 day
Kiyaz 1 day
hersi 2 days
Nasra 3 days
cumardeeq 5 days
shaqalle 1 week
Wacays 6 weeks
Forum Threads
Newest Threads
Somaliland health care
welcome
Ogaysiis ku socda Ak...
Best University
The best major
Hottest Threads
Somaliland health... [0]
welcome [0]
Ogaysiis ku socda... [0]
Best University [0]
The best major [0]
Summer
Meher Wacan: Axmed C/iraxmaan Ibraahim
Mawliid Cabdi Muuse (Shareero), Mukhtaar Yuusuf Cirro, Cabdifataax Ismaaciil Cali, Liibaan Deeq Cali, Xasan Xuseen Cabdillaahi (Keefkeef), Ibraahim Aw Xasan Ismaaciil, Cabdirisaaq Xuseen Cige, Guuleed Xaaji Muuse, Khaalid Ismaaciil Cali, Sidiiq Cabdi Aadan, Khadar Cabdi Cilmi, Cabdifataax Xaaji Muuse, Fu’aad Cabdisalaan Xasan. Dhamaan Asxaabtaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Meherka Saaxiibkood:
keefkeef on October 06 2008 04:03:43 · Read More · 20 Reads · Print
Dhalasho Wacan: Tifaftiraha Wargeyska MAALMAHa Siciid Ismaaciil Guraase iyo Maryan Aadan Faarax
Gudoomiyaha Wargayska Maalmaha C/raxmaan Aadan Dhameeye, C/rashiid Ibraahim Cali, Xasan Xuseen C/llaahi (Xasan-Keefkeef), Maxamed Cabdillaahi Oomaar Faysal Xiis Weerar (Afgaab), Caydaruus Sheekh Cumar Geedi, Xasan Ismaaciil Maxamed (Xasan-Shaah), Nuur Jirde Haybe, Xamse Cali Bulbul, C/fataax Maxamed Cige, Cabdille Maxamed Cumar, Axmed Jaamac Cabdi iyo dhamaan shaqaalaha iyo hawlwadeenada wargayska Maalmahu, waxay Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaan Tifaftiraha Wargeyska Maalmaha:
keefkeef on October 06 2008 03:49:34 · Read More · 8 Reads · Print
Xeebta Batalaale iyo Xusuusta lama Iloobaanka ah !
NewsBerbera(SEN)--Magaalada Xeebta ku taala ee Berbera waxa ay ka mid tahay magaalooyinka aad u leh meelaha ay ka soo baxday Xadaaradaha Aduunka, Berbera waxa ku yaala xeeb aad u fiican oo ay dadka ku nool Somaliland u dabaal tagaan. Xeebta Berbera gaar ahaan meesha la yidhaahdo Batalaale waxa ku aasan aabaha Jacaylka Somalida waa Cilmi Liibaan (Cilmi Boodhari) oo ah inta la xuso ninki ugu horeeyay ee uu asiibo cudurka Jacaylku, taasi oo aakhirkiina dhaxalsiisay in uu iilka la jiifsado cishqigii iyo Jacaylkii xad dhaafka ah ee uu u qabay Hodan........(Daawo Sawirada)
abdi on October 05 2008 19:26:45 · Read More · 136 Reads · Print
Sanad-guuradii 5-aad Ee Ka Soo Wareegtay Asaaska Jaamacada Nugaal University Oo Loo Debaaldagay Iyo Gudd. G. Sool Ardey Shahaadooyin Gudoonsiiyey
NewsMunaasibadan waxaa ka soo qayb-galay dhamaanaba qaybaha kala duwan ee bulshada, masuuliyiinta ugu saraysa maamulka Gobolka,xubno ka socday Golaha Guurtida Somaliland, Wakiilo ka socday qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah sida WHO, Ganacsatada, NGOs, ayaa loo soo agaasimay oo lagu xusayey Sanad-guuradii 5-aad ee ka soo Wareegtay asaaskii Jaamacada Nugaal University, waxaana arday ka qalin-jabisay Jaamacada gudoonsiiyey Shahaadooyinka guddoomiyaha Gobolka SOOL Md. Cali Maxamuud Axmed [Cali-sandule]...Daawo Sawirada
ahmed on October 05 2008 19:10:06 · Read More · 65 Reads · Print
Magaalada Sheekh iyo Muuqaalkeeda Quruxsan
NewsSheekh(SEN)--Sheekh waa magaalo ku taal dhul buuralay ah oo ay ku wareegsanyihiin buuro dhaadheer,waxaa ku taal Buurta Sheekh oo aad moodo jidkii siraad marka aad hoos marayso oo indhahaagu hadba dhinac daymada buurahaas dhaadhee ay ku dawakhayaan sidda layaabka leh ee loogu sameeyey laamiga ku wareegsan ee kala sareeya. Sheekh waxaa a ku taal badhtamaha Somaliland oo ah saddex gobol dhexdood oo istaraataji ah.(Daawo Sawirada)
deeqa on October 05 2008 15:16:48 · Read More · 85 Reads · Print
Dood-Furan: Sidee Somaliland Shaqo-abuuris looga samayn karaa? C/shakuur X. Muxumed Muse (Heersare)
NewsHargeysa(SEN)-Dalka Somaliland oo weli aan nasiib u helin in uu aqoonsi caalami ah ka helo Adduun-weynaha, isla markaana in muddo ah u xusullo-duubnaa hanashada ictiraaf caalami ah, ayaa gacan iyo taageero la’aan waxa uu ku guulaystay in dib-u-dhis ku sameeyo guud ahaan haykalkii dawlaladeed ee looga baahnaa iyo adeegyado-bulsheedyadii dagaaladii dib-u-xoraynta ee dalka ka dhacay burburiyeen.
keefkeef on October 05 2008 00:44:49 · Read More · 30 Reads · Print
Hadduu GUURKU Calaf yahay, CAASHUQUNA muxuu noqon ?
NewsWaxaa sida la ogyahay aduunka had iyo jeer ka dhaca sheekooyin laga tabiyo bulshada taariikhda iyo cimriga kala duwan ee ay marto ummada illaah. waxaa sidaynu ognahay dhacda saacad walba ama wakhti walba iyo daqiiqad walba dhacdo ay taariikhdu mar dhaw ku xusto baalasha kala duwan ee dhacdooyinka taariikhiga ah bulsho ku nool meel isku mida .maahmaah soomaliyeed ayaa tidhaahda (waagii baryaaba waaya leh) Hadaba labada lamaane ee sheekadani soo dhex martay waxaa ay ahaayeen wiil iyo gabadh la kala yidhaahdo khaddar xasan iyo fahiima yuusuf oo iyagu dhigan jiray Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar iyo ......
Nasra on October 03 2008 21:55:56 · Read More · 114 Reads · Print
Qaybtii Labaad: Tol-keeyow ha la i dhoofsho haddii kale waan TAHRIIBI !
NewsAkhriste waa maqaalkii labaad ee aan kaga waramayo waayihii igu soo maray tahriibka una shrrgayo dhibka iyo rafaadka saaxiibo badan oo niyada ku haya inay mar uun jidkaa maraan waxan soo rafaadaba waxan soo gaadhay caasimada dalka giriiga oo loo yaqaan athens waa subax hore oo ay saacada tahay 6Am,waxan ka soo dagnay maxadada tareenkii naga soo qaaday magaalo la yidhaa komotiniyo oo ku talaa xuduuda giriiga aniga iyo asxaab badan oo ila safar ahayd maalinta shucuurtayda waxan ku qiyaaso ma aqaan waayo jabkii iyo rafaadkii aan maray ayaan maanta soo gaadhay meel ana in basdan jecla ainan lugaha saaro waa caasimada athens
deeqa on October 03 2008 05:28:08 · Read More · 62 Reads · Print
Gudoomiyaha Dhalinyarada Somaliland oo Hambalyo u diraaya dhamaan dhalinyarada Somaliland meelkasta oo ay jogaan
NewsHargeysa(SEN)--Gudoomiyaha Dhalinyarada Somaliland Md Maxamed Yuusuf Cali (Culimo) ayaa maanta dhalinyarada Somaliland guud ahaanteed waxa uu Hambalyo ugu diray munaasibada Ciidal Fidriga.Gudoomiye Culimo oo aan kula kulmay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in uu salaan kal iyo laab ah u diraayo dhamaan shacabka Somaliland sida ay u dhan yihiin, waxana uu Ilaahay uga baryay in uu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo Barwaaqo iyo Nabad Qab
deeqa on October 03 2008 05:25:35 · Read More · 74 Reads · Print
SUDAN: Sidee Ardayda Reer Somaliland uga Ciideen?. Warbixin
NewsKharduum(SEN)-khartoum runtii waa magaalo cidla ah marka loo eego mar keeda kale maal maha ciida sabab too ah dadka reer sudan waxey caado u leeyihiin in ay ku soo ciidaa dhulka ka baxsan magaalooyinka sida miiyada oo kale markaa badnaa waxey ku baxaa safaro.saladii ciida waxaan ku tukadey garoon weyn oo ku yaal jamacada caalamiga ah ee international african university halkaas oo ay isku yimada kumaan dad oo leh dhalashooyin kala duwan oo reer asia u badan yihiin
keefkeef on October 03 2008 04:35:03 · Read More · 91 Reads · Print
Ardayda Reer Somaliland ee Wadanka Malaysia oo u dabaal dagay Munaasibada Ciida ....Daawo Sawirada
NewsKuala Lumpur(SEN)--Jaaliyada Reer Somaliland ee dalka Malaysia ayaa si weyn u xusay munaasibada Ciidal-Fidriga, Munaasibada kala duwan oo lagu qabtay xarumaha Jaamacadaha Ardaydu dhigato iyo weliba goobo kale.Meelaha la isugu yimi waxaanu ka xusi karnaa jamacadaha UTARA, IIUM, MMU iyo weliba reer Kuala lumpur. Waa tan Warbixin ay noo soo direen Ardayda. (Daawo Sawirada)
abdi on October 02 2008 22:08:15 · Read More · 351 Reads · Print
HARGEYSA: Dabaal-dega Ciida oo Ilaa saqdii dhexe ee Xalay Socday
NewsHargeysa(SEN)--Sida Akhrisatayaasha Shabakada Somaliland Education hore uga daalacdeen wararka Maalmaha Ciidal Fidriga, waxa wali socda dabaal degyo lagu xusayo Ciida, waxaana dadka ku nool caasimada iyo gobollada kaleba laga dareemayaa farxad iyo weji furnaan illaa cawayskii xalayna waxa suuqa dhexe ee magaaladda Hargeysa buux dhaafshay carruur raxanraxan isaga gooshaysa waddooyinka waaweyn ee faras magaalaha, kuwaas oo u socda booqashooyin ay ugu tegeyaan eheladooda iyo asxaabtoodaba.(Daawo Sawirada)
Nasra on October 01 2008 05:11:05 · Read More · 246 Reads · Print
Caasimada Hargeysa Oo Si Weyn Looga Ciiday Munaasibada Ciidal Fidriga Iyo Guud Ahaan Somaliland
NewsHargeysa(SEN)--Madaxweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin ayaa saaka kala qayb galay Boqolaal dadweyne ah tukashada Salaada Masjid Jaamaca Weyn ee Magaalada Hargeysa. halkaasi oo uu markii dambe Khudbad kooban uga jeediyay. Madaxweyne Rayaale waxa uu Ilaahay uga baryay dhamaan umada Muslimiinta ahi meelkasta oo ay joogtay in ay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan Bash-Bash iyo Barwaaqo.(Daawo Sawirada)
Nasra on October 01 2008 04:58:45 · Read More · 207 Reads · Print
Sidee looga Ciiday Hargeysa ? Daawo Sawirada
NewsHargeysa(SEN)--Guud ahaanba waxa saaka magaalada Hargeysa laga ciiday Ciidal Fidrigii, subaxnimadii hore ayaa dadku u kalahayeen tukashada Salaad Ciida halkaasoo ay soo buux dhafiyeen barxadadaha waaweyn iyo garoomada kubbada Cagta ee ku yaala magaalada Hargeysa.Madaxweynaha JSL Md. Daahir Rayaalle Kaahin oo isagu subaxnimadii hore Salaada kula tukaday Masaajidka weyn ee loo yaqaan Masjid Jaamaca ee magaalada Hargeysa kumanaan qof oo ka mid dadweynaha magaalada. (Daawo Sawirada)
abdi on September 30 2008 21:14:38 · Read More · 406 Reads · Print
Wasaarada Awqaafta oo Caawa ku Dhawaaqday inay Berri Ciid tahay, iyo Madaxda Qaranka oo Hambalyo u diray shacbiga Somaliland iyo Umadda muslimiinta ah
NewsHargeysa-(SEN)-Wasaaradda Diinta iyo Aqaafka JSL ayaa caawa fiidkii shaaca ka qaaday in maalinta beri ah guud ahaan JSL laga ciidi doona, Ciida-fidriga. Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Awqaafka ayaa hadalkan ku dhawaaqay mar ay ka hadleen Idaacada Radio Hargeysa iyo Telefishanka Qaranka.

keefkeef on September 30 2008 07:34:31 · Read More · 37 Reads · Print
Ciid Wanaagsan
NewsHargeysa(SEN)--Dhamaan Bahda Somaliland Education Network waxay idin leeyihiin "Ciid wanaagsan". Alle ha inaga wada aqbalo Fadligii Bisha Ramadaan, Sannadaha soo socdana Alle ha inagu gaadhsiiyo Caafimaad qab, iyo cimri dherer, Aamiin. Riix halkan si aad u Dhagayso Suugaanta Ciida
deeqa on September 30 2008 05:21:36 · Read More · 39 Reads · Print
SDWO.Com oo Deeq Raashin ah u Qaybisay Dad Danyar ah oo ku Nool Xaafado ka mid Magaalada Hargeysa
NewsSDWO(Hargeisa)- Shebkeda wararka ee SDWO.COM ayaa deeq raashin ah u qaybisay dad danyar ah oo ka mid ah dadka ku nool xaafadaha State House iyo Balliga Daami ee magaalada Hargeysa. Deeqdan oo ahayd lacag ka timi jaaliyada reer Somaliland ee degan Waqooyiga magaalada London ee dalka Ingiriiska oo ka soo jawaabtay baaq qaylo dhaan ah oo shebekadu ku soo bandhigaysay tan iyo bilowgii bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaana lacagtaas oo lagu soo hagaajiyey Wakiilka shabakada wararka SDWO Mr. Shiine Cilmi Kaahin uu ku soo iibiiyey raashin loo qaybiyey labaatan qoys oo ku kala nool labadaa xaafadood...(Daawo Sawirada).
abdi on September 29 2008 16:34:18 · Read More · 69 Reads · Print
HARGEYSA: Tartankii Qur'aanka Kariimka iyo Siirada Rasuulka CSW oo lagu soo gabogabeeyay Masaajidka Xawaadle
NewsHargeysa (SEN)-Tartankii Xifdiga Quraanka kariimka iyo siirada Rasuulka CSW oo muddo 19 cisho ah ka socday Masaajidka Xawaadle ayaa la soo gabagabeeyay. Munaasibad Ballaadhan oo loo qabtay Tartankan waxa ka qayb galay 17 qof oo dhalinyaro ah. Sheekh Aadan X. Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro) oo isagu soo qabanqaabiyay tartankan. (Daawo Sawirada)
keefkeef on September 28 2008 07:28:42 · Read More · 120 Reads · Print
Wasiirka Waxbarashada oo Kormeer ku Tegey Dugsiyada Berbera
Hargeysa (SEN)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan-Gadhweyne) ayaa safar uu ugu kuur galayo xaaladaha Waxbarasho ee Gobolka Saaxil ku tegey magaalada Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil. Wasiirku intii uu socdaalkiisa ku gudo jiray waxa uu kulano gaar gaar ah la yeeshay guddida waalidiinta ee gobolka Saaxil, waxa kale oo uu kormeer ku tegey dugsiyada ku yaala magaalada Berbera.
keefkeef on September 28 2008 07:21:35 · Read More · 53 Reads · Print
Sheeko xiiso badan: Faysal iyo Hargeysa
News“Adeer gaadhiga ma kuu masaxaa” cod yar xaggayga dambe ka yidhi. Dib ayaan jalleecay, mise waa inan yar oo 12 ilaa 13 aan da’diisa ku qiyaasay. Gaadhigii aan watey ayaan mar kale eegay masse wax laga nadiifiyaa kuma yaalliin, hase ahaatee waan ka xishooday in aan inanka yar shaqo la’aan diro! Inta aan yara dhoolla caddeeyey, ayaan ku idhi immisa ayaad adeer ku nadiifinaysaa? Intaan hadalkaygii si fiican afkaygii uga soo dhammaan ayaa waxaa kii yaraa dhiniciisa kale ka soo booday mid kale oo ka yara turtur weyn—oo inta uu kii yara dhinac u kala tuuray yidhi “adeer anigu aan kuu masaxo;” aniga oo aad uga xumaaday dulmiga kan yar lagu sameeyey, ayaan kii ku idhi waar waxba noo masaxi meyside meesha ka soco. Ka dibna kii yaraa oo i huruufaya ayaa dhinac u dhaqaaqay.
hersi on September 28 2008 05:16:56 · Read More · 191 Reads · Print
Sheeko: Guurkii Dhaqanka ahaa, Waxaa Qoray Ahmed Riiraash
NewsSheekadani waxa ay kaalinta saddexaad la gashay sheeko kale, tar-tan suugaaneed lagu qabtay Hargeysa ayna soo qaban qaabiyey Bahda Hidaha iyo Dhaqanka ee Red Sea Online lagu qabtay Hotel Imperial ee Magaalada Hargeysa, waxayna kaalinta saddexaad la gashay sheeko kale , markaa waa tan sheekadii. Waxay ahayd goor casar gaaban ah, Cad ceedu waxay ay sii galaysaa godkeeda, cirkuna waxaad moodaa inuu godlanayo, daruuraa geeska kastaba iska qabsaday, haddiiba ay wax yar ka bacdi ay galbatay tay cadeedii, waxaa is na hoo yidhi roob gurxan wata, wuxuu guuxaba saacad ka dib ayuu go'ay, goobtu waa miiga ama baadiyaha......
hersi on September 28 2008 04:23:12 · Read More · 714 Reads · Print
Page 1 of 18 1 2 3 4 > >>
Ogaysiis


Our Team

Mohamed Ali
Director


Ahmed Isma'il
News Editor



Abdi Mohamed
Webmaster


Jamaal Ibrahim
Reporter, Hargeisa


Shiine Cilmi Kaahin
Reporter, Hargeisa


Hassan H. Abdillahi
(Keef-keef)
Reporter, Hargeisa


Khalid Jama Qodax
Articles, Hargeisa


Abdi Wahab Khayre
Reporter

Ahmed M. Muuse
Reporter, Uganda


Abdirazak Mohamoud
Reporter, Nairobi
Top 5 Articles

Muxuu Macalinkaygu iloobay?

Qaabkee ayaad wax u barataa?

Maxaa kaa hor-taagan Tacliinta aad heli karto?

Eight steps to improve Literacy skills in middle-secondary Students

Habka barashada
Banners

www.somalioz.com


Redsea-online.com



Barbaarshe : Buug cusub oo laga Barto Computer-ka. Waxaa qoray Eng.Mohamed Abdiaziz Daahir



www.alimuse.com
Hoyga Barashada Diinta Islaamka


Wargeyska

www.geeska.net
Islam

Saaxiibka Wanaagsan iyo sida loo doorto: Sh.Maxamed Sh.Cumar Dirir

Hamiga Qofka Muslimka ah : Sh.Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun

Akhri: Dhaqanka Wanaagsan ee Islaamku ina farayo

Ummadina guul ma gaadho iyada oo saddex wax hesha mooyee:

1.Imaam Caadil ah

2.Aqoon-yahan waaniya

3.Shaqaale daacad ah